Kenya oo marti gelinaysa shirka arrimaha musuqmaasuqa ee Bariga Afrika

0
368

Waxaa maanta magaalada Nairobi ka furmay shir ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta hay’adaha iyo maamullada gobolka Bariga Afrika ee qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa, qandaraasyada , sirdoonka maaliyadeed iyo dambi baarista.
Howlwadeennadan ayaa ka soo jeedo 10 waddan oo kala ah Kenya, Burundi, Jabuuti , Itoobiya ,Rwanda, Suudaanta Koonfureed , Tanzania, Uganda, Congo iyo Soomaaliya.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei oo shirkan furay ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan la tacaalidda daroogada iyo dembiyada ee (UNODC iyo ururka maamullada la dagaallanka musuqmaasuqa ee Bariga Afrika ee (EAAACA).
Waxaa uu xusay in mas’uuliyiinta lagu casuumay ay yihiin wakiillo sare oo dowladeed si la dagaallanka falalka wax isdaba marinta ee gobolka uu u noqdo mid waafaqsan xeerarka degsan.
Kenya ayaa haysa jagada ku xigeenka madaxa ururka maamullada la dagaallanka musuqmaasuqa ee Bariga Afrika ee (EAAACA).
Saraakiisha kulanka uga qayb galaya Nairobi ayaa iswaydaarsanaya aqoontooda , khibradahooda iyo xogaha lagula tacaali karo musuqa.
Waxay si gaar ah diiradda u saarayaan baaritaannada maaliyadeed iyo dib u soo celinta hantida la dhacay, ilaalinta shakhsiyaadka shaaca ka qaado xatooyada , in nidaamyada bixinta iyo maareynta qandaraasyada laga dhigo kuwo hufan iyo in waaxyaha gaarka ah ay qayb ka noqdaan la dagaallanka musuqmaasuqa.
Wakiillada dalalka kala duwan ee shirka ka qayb galaya ayaa sidoo kale qiimeyn doono guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira iyo hindisayaasha loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.