Norway oo sheegtay in ay aqoonsanaysa dowladda Falastiin

0
442

Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway ,Jonas Gahr Stoere ayaa sheegay in ay Falastiin u aqoonsan doonaan dowlad madax bannaan .
Waxaa uu xusay in xal la xiriira labo maamul oo kala madax bannaan oo la gaaro ay dani ugu jirto Israa’iil.
Jonas Gahr ayaa shaaciyay in aqoonsiga dowladeed ee ay siinayaan Falastiin uu dhaqangeli doono 28-ka bishan Shanaad ee May.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo galinka dambe ee maanta lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha Spain ,Pedro Sanchez uu shaaciyo taariikhda ay si rasmi ah u aqoonsanayaan qarannimada Falastiin.
Waxaa uu sidoo kale qorshuhu yahay in Ireland ay ku dhawaaqdo mowqifkeeda arrinkan ku aaddan.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in aqoonsiga dowladnimo ee Falastiin ee dalalka qaaradda Yurub ay sii hurin doonto xasillooni darrada .