Xaaladaha COVID19 ee India oo kor u dhaafay 18 milyan

0
313

Wadanka India ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay xaaladaha cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 379,257.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka ee ilaa iyo hadda gudaha dalkaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa 18.38 milyan.
Sidoo kale waxaa mudadan gudaheeda COVID19 u dhintay 3,645 qof oo dheeraad ah waxayna dhimashada guud hadda tahay 204,832 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee India.