DHAGEYSO:Siyaasiyiinta bartamaha dalka oo sheegay in aan la liidi karin Gachagua

0
223

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Bartamaha wadanka oo uu hoggaaminaya barasaabka ismaamulka Nyeri Edward Mutahi Kahiga ayaa sheegay in aynan marnaba oggolaan doonin in madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua lagu sameeyo xaqiraad ama bahdilaad siyaasadeed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha hadda xilka haya William Ruto la liiday xilligii uu madaxweyne ku xigeenka ahaa sidaasi awgeedna aynan aqbali doonin in Gachagua uu marxaladaasi oo kale wajaho.
Mutahi Kahiga ayaa arirntan ka hadlay xilli uu u jawaabayay senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei oo sheegay in wax khilaaf ah uunan jirin.

Audio Player

Hasa ahaate, madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa ku baaqay in la dejiyo xiisadda siyaasadeed oo midnimada lagu dadaalo.