Madaxweynihii dalka Iiraan Ibraahim Raisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ku burburtay gobolka bariga Asarbayjaan ee wadankaasi.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kacda ee loo yaqaano Helicopter.
Waxaa ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.
Saacado badan ayuu qaatay baaritaanka ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceeryaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.
Ibraahim Raiisi, ayaa geeriyooday isagoo jira da’da 63 sano.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka Iiraan Muxammad Mukhbar ayaa la wareegi doona awoodaha madaxtinimada, waxaana doorasho cusub la qaban doonaa muddo 50 cisho gudahood.
Waddamada Bariga Dhexe oo dhan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdadan.