3 eedeysanayaal oo loo xiray ka ganacsiga maandooriyaha

0
472

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray saddex qof oo ku eedeysan ka ganacsiga daroogada nooca xashiishka.
Waxay isugu jiraan labo u dhashay Nigeria iyo haweeney kenyaan ah.
DCI ayaa magacyada tuhmanayaasha ku kala sheegtay Stephen Emenike, Chijioke Andrew Maduka, iyo Margaret Wanjiku Kioni .
Waxaa laga soo qabtay deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi waxayna hadda ku jiraan saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Waaxda dambi baarista ayaa xustay in eedeysanayaasha lagu helay daroogo uu qiimaheedu yahay 1.3 milyan oo shilin.
Dhanka kale saddex ka mid ah shaqaalaha sanduuqa horumarinta cayaaraha , farshaxanka iyo bulshada ee (SASDF) ayaa loo haystaa in ay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo faalis ah oo lagu shaqaaleysiiyay.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu kala magacaabaa John Onyango Odhiambo, Aadan Bagajo Lamma iyo George Ereng Lotieng.