Xildhibaanka deegaanka Kiharu ahna guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka dalka Ndindi Nyoro ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in wada tashiyo ballaaran laga yeelan doono hindise sharciyeedka maaliyadeed ee sanadkan ee Finance Bill 2024 oo baarlamaanka loo gudbiyay.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Koonfurta Teso ee ismaamulka Busia, ayuu Nyoro carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay in qorshahan si wayn looga qayb geliyo kenyaanka ka hor inta aan la dhaqangelin.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay dhageysan doonto shacabka si aragtidooda loo tixgeliyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya uu ku hanjabay in haddii baarlamaanka uu ansixiyo hindise maaliyadeedka oo xambaarsan canshuur dheeraad ah in ay dibadbaxyo sameyn doonaan.