Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa ka soo horjeestay qorshaha qaar ka mid ah ciidamada booliiska wadanka lagu gaynaya dalka Haiti.
Madaxa LSK ,Faith Odhiambo oo bayaan soo saartay ayaa madaxweynaha dalka William Ruto, wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki iyo taliyaha guud ee ciidamada booliiska Japheth Koome ka dalbatay in ay u hoggaansamaan amar maxkamadeed oo dowladda looga hor istaagay in ay saraakiisha ammaanka u dirto Haiti.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dowladdu aynan buuxin shuruudihii dhanka sharciga ee uu faray garsooraha maxkamadda sare, Chacha Mwita sidaasi awgeedna ay sharci darro tahay in booliiska dalka la geeyo Haiti.
Faith ayaa madaxweyne William Ruto xusuusisay ballantiisi ahayd inuu tixgelin doono amarrada maxkamadda oo uu dastuurka ilaalin doono .
Bishii Toddobaad ee sanadkii 2023-kii ayay dowladda Kenya ballan qaaday in ay 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska geyn doonto dalka Haiti si ay uga qayb qaataan howlgal nabad sugid oo ka dhan ah kooxaha hubeysan ee rabshadaha ka wado wadankaasi.