DHAGEYSO:Barasaabka Wajeer oo dhaliil u jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka

0
275

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ku dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay oo ahaa in miisaaniyadda deegaannada lagu qaybsado tirada codbixiyayaasha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Gachagua uu mowqifkiisa taageero siyaasadeed uga raadsanaya shacabka gobolka uu ka soo jeedo ee gobolka Bartamaha dalka.
Axmad Cabdullahi ayaa intaasi ku daray in qofka marka uu mas’uul sare oo dowladeed yahay laga doonayo inuu ka fiirsado inuu meelaha fagaaraha ah ka sheego oo uu xiisad dadweyne abuuro isagoo caddeynaya go’aankiisa shakhsiyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in miisaaniyadda qaranka aan lagu qaybsan karin macluumaadkii tirakoobka ee sanadkii 2019-kii maadaama sida uu hadalka u dhigay uu qiyaas ku saleysnaa oo uunan si sax ah uga turjumin tirada xubnaha qoysaska.

Barasaabka Wajeer ayaa xusay in mowqifka dhaqaale ee madaxweyne ku xigeenka dalka uu yahay mid hore oo sanadkii 1965-tii qorsheyn ahaan u qaldanaa balse la adeegsaday.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa caqabadaha hor taagan sare u qaadidda wax soo saarka gobolka Waqooyi Bari ku sheegay ku tiirsanaanta dhaqashada xoolaha iyo biyo yari jirta.
Waxaa uu dowladda sare u sheegay in laga doonayo in ay maalgelin ballaaran oo dhanka biyaha ah ay ka sameyso ismaamullada oomanaha si loo sameeyo wax soo saar dhanka beeraha ah.