Arday dhigta jaamacadda Maseno oo kufsi loo xiray

0
308

Waxaa xabsiga loo taxaabay arday ay da’diisu tahay 23 sano oo dhigta jaamacadda Maseno University.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay inuu kufsaday labo gabdhood oo arday ah.
Waxaa sidoo kale loo haystaa ku lug lahaanshaha fal dhac ah oo la gaystay.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in eedeysanaha uu xadgudubka ku kacay 14-kii bishii Afaraad ee sanadkan.
Jacktone Oluoch Owiti ayaa laga soo qabtay aagga loo yaqaano Chulaimbo.