Militariga Israa’iil ayaa sheegay in 40 gantaallo ah looga soo tuuray dhanka dalka Lebanon.
Gantaallada ayaa lagu bartilmaameedsaday buuralayda la haysta ee Golan Heights.
Kooxda Xisbullah ee wadanka Lebanon ayaa dhankeeda sheegtay in ay adeegsatay in ka badan 60 ah gantaallada nooca Katyusha oo ayna la eegatay saldhigyo dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Israa’iil.
Waxay Xisbullah intaasi ku dartay in ay ka falcelinaysay weerar xalay lagu qaaday gobolka Bekaa ee Bariga Lebanon.
Hasa ahaate lama soo tabin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarrada.