Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ciidamada difaaca qaranka ee (KDF) ku boorriyay in ay wadanka ka caawiyaan la tacaalidda saameynta ka dhalatay isbeddelka cimillada ku yimid.
Waxaa uu isbeddelka cimillada ku tilmaamay khatarta ugu wayn ee horumarka.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu hoosta ka xarriiqay inuu qabo kalsooni ah in ciidamada qalabka sida ay awood u leeyihiin ka falcelinta caqabaddan.
Waxaa uu si gaar ah saraakiisha militariga kula taliyay in ay kaashadaan wasaaradda arrimaha deegaanka si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee muddo 10 sano ah lagu beeraya 15 bilyan oo geedo ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka wadanka saameeyay ee ay dad badan ku dhinteen sidoo kalena ay hanti badan ku burburtay ay ka dhasheen isbeddelka cimillada ee dhacay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale ciidamada difaaca ku bogaadiyay doorka ay ka qaadanayaan howlaha gurmadka iyo samatabixinta ee socda.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo militariga ugu baaqay in ay ka falceliyaan saameynta isbeddelka...