Waxaa lagu soo warramayaa in booliiska ay xireen tuhmanaha ka dambeeya toogashada ra’iisul wasaaraha dalka Slovakia Robert Fico.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ra’iisul wasaaraha Slovakia haatan xaaladdiisa aad u liidato.
Toogashada ayaa ka dhacday bartamaha magaalada Handlova.
Warbixinnada la helay ayaa sheegaya in ninka weerarka gaystay oo 71 sano jir ah, uu ka soojeedo tuulo ku taalla bartamaha wadanka Slovakia.
Bistoolada rasaasta laga furay ayaa la sheegay in si sharci ah loo haysto.
Ilaa hadda lama oga sababta uu ninka weerarka u gaystay
Ra’iisul wasaaraha Slovakia Robert Fico ayaa dad ku hor salaamayay xarun dhaqameed oo ku taalla bartamaha magaalada Handlova ee Slovkia markii dhowr xabadood lagu furay.