Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda roobabka culus ee da’aya iyo daadadka ka dhashay ay ku dhinteen 289 ruux.
Waxay dhaawacyo soo gaareen 188 kale halka weli 75 qof la la’yahay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in daadadka ay saameeyen ugu yaraan 285,600 qof.
Sidoo kale waxaan furmin ilaa 100 dugsi maadaama ay daadadka si wayn u burburiyeen kaabayaasha xarumahan.
Dugsiyadan ayaa isugu jiro 73 ah kuwa hoose dhexe iyo 27 ah dugsiyada sare.
Roobabka culus ee da’ay ayaa saameeyay waaxyaha gaadiidka , guriyeynta, waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha ee dalka.