Waxaa si ku meel gaar ah labo cishe loo xiray safaaradda ay dowladda Maraykanka ku leedahay dalka Tanzania.
Tani ayaa loo aaneeyay cillad intarneet oo saameysay dhowr waddan oo hoos tago Bariga Afrika.
Arrinkan ayay safaaraddu ku shaacisay barta X.
Waxay baajisay ballamadii maanta iyo berri oo la qaban doono taariikh kale oo dambe.
Hasa ahaate waxaa safaaradda Maraykanka ee Tanzania ka sii socon doono qaadashada fiisaha ama dal ku galka iyo la tacaalidda xaaladaha degdegga ah ee saameynaya muwaadiniinta Maraykanka.
Culeyska ku yimid xawaaraha intarneetka oo jiray tan iyo Axadii ayaa saameeyay dalalka Tanzania, Kenya, Rwanda iyo Uganda.
Kooxda dabagalka ku sameyso adeegga intarneetka ee NetBlocks ayaa Isniintii shaacisay in Tanzania ay saameynta ugu badan ee cilladdan ay soo gaartay.