Maamulka isgaarsiinta dalka oo sheegay in uu sii jiri karo doono culeyska dhanka intarneetka

0
428

Maamulka isgaarsiinta dalka ee CA ayaa sheegay in maalmaha nagu soo aaddan uu sii jiri karo culeyska dhanka xawaaraha intarneetka ee wadanka laga dareemaya.
Cilladan oo jirtay tan iyo shalay ayaa saameysay dalalka Bariga Afrika sida Kenya, Tanzania, Rwanda iyo Uganda.
Culeyska ay ka cabanayaan macaamiisha isticmaala intarneetka ayaa ka dhashay cillad ku timid mid ka mid ah xargaha badda hoosteeda mara, kaas oo gobolka ku xira dunida inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay Ben Roberts oo ah khabiir dhanka interneetka ah.
Agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta dalka ,David Mugonyi ayaa bayaan ku sheegay in la billaabay geeddisocodka arrintan lagu xallinaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay xaaladda si dhow ula socdaan si loo xaqiijiyo helidda adeegga intarneetka xita haddii uu xawaarihiisa hooseeya.
Maamulka CA ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee wadanka faray in ay raadiyaan siyaabo kale oo ay macaamiisha ku heli karaan adeegga intarneetka inta dhibaatada jirta laga soo afjaraya.
Shirkadaha isgaarsiinta ee Safaricom, Airtel iyo Telkom ayaa macaamiishooda ku wargeliyay in ay dareemi karaan xawaaraha intarneetka oo hooseeya.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii Intarneet xumo laga soo tabiyay waddamo ku yaalla Galbeedka iyo Koonfurta Afrika.