Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa galabta ka badbaaday in baarlamaanka uu xil ka qaadis ku sameeyo.
Tani ayaa timid ka dib markii 7 ka mid ah guddi ka kooban 11 xubnood oo baaritaano ku sameynayay eedeymo loo jeediyay wasiirka ay sheegeen in aynan ku qancin sababaha loo cuskanaya mooshinka ka dhanka ah.
Guddigan ayaa warbixintiisa uu maanta hor geeyay baarlamaanka ku sheegay in aan wax caddeymo ah loo helin in wasiir Linturi uu si wayn ugu xadgudbay xeerarka dastuuriga ah sidoo kalena uu ku kacay habdhaqan xumo.
Guddigan ayaa eegayay qodobbada ku xusan mooshinka xil ka xayuubinta wasiirka beeraha ee dalka Mithika Linturi oo uu baarlamaanka u gudbiyay xildhibaanka deegaanka Bumula ee ismaamulka Bungoma , Jack Wamboka.
Waxaa guddigan hoggaaminaysay wakiilka haweenka ee ismaamulka Marsabit Naomi Waqo.
Afarta xubnood ee aan warbixinta ku qancin ee sheegay in eedeymaha caddeymo loo soo bandhigay ayaa ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya waxayna kala yihiin Robert Mbui( xildhibaanka deegaanka Kathiani),T.J.Kajwang oo laga soo doortay deegaanka Ruaraka,Catherine Omanyo ( wakiilka haweenka ee Busia) iyo Yussuf Maxamad Faarax oo ah xildhibaanka Galbeedka Wajeer.
Linturi ayaa lagu dhaliilay in uunan ka hor tagin bacrimin aynan tayadeedu gaarsiisnayn heerkii la rabay oo laga iibiyay beeralayda.
Waxaa uu isku difaacay in howshaasi ay ka mid tahay waajibaadka xoghayaha wasaaradda beeraha Paul Rono.
Eedeymahan ayaa soo baxay ka dib markii ay warbaahintu tabisay in beeralayda wadanka ay bakhaarka qaran ee lagu kaydiyo dalagyada ee NCPB ay ka iibsadeen bacrimin faalis ah.
Hasa ahaate maadaama aqlabiyadda xubnaha guddigii sameynayay baaritaannada uu sheegay in aan lala wadaagin caddeymo wax ku ool ah , iskudayga xil ka qaadista ayaa sidaasi ku fashilmay.