Madaxweynaha dalka oo xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee Lenana

0
414

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dugsiga hoose ee Lenana ee ku yaalla deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Dagoretti ee ismaamulka Nairobi.
Dugsigan oo ka kooban 22 fasal ayaa waxaa wax ku baran doona arday dhan 1,500.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in dowladda ay qorsheeneysa inay dhisto 24 fasal oo dheerad ah oo loogu talagalay dugsigan.
Waxaa uu xusay in ugu yaraan 1,300 oo arday ay ilaa hadda iska diiwangeliyeen dugsiga uu maanta xarigga ka jaray.
Waxaa uu sheegay in 22-da fasal ee uu dugsigan ka kooban yahay ay wax ku baran doonaan ardayda fasalka koowad ilaa 4-aad ee dugsiga hoose.
Madaxweyne William ayaa sidoo kale ballanqaaday in dhammaan ardayda iskuulka Lenana uu u iibin doona direyska dugsiga oo dhamaystiran.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku dhuftay in 4 sano ka hor uu ballanqaaday in dugsigan uu dhisi doono, si carruurta ku nool deegaanka Dagoretti ay wax ugu bartaan.
Ballanqaadka madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii arday ay ku dhinteen musiibo afar sano ka hor ka dhacday dugsi si gaar ah loo leeyahay oo ku yaallay deegaan baarlamaaneedka Dagoretti ee ismaamulka Nairobi.