Intarneet xumo saameysay waddamo ee Kenya ka mid tahay

0
522

Waxaa aad uu liita adeegsiga intarneetka ee dalal ay Kenya ka mid tahay.
Arrintan ayaa timid ka dib cilad soo wajahday adeegga intarneetka ee Bariga Afrika.
Dadka intarneetka isticmaala ee jooga waddamada Kenya, Tanzania, Rwanda iyo Uganda ayaa ka cabanayay interneet xumo tani iyo shalay.
Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee Kenya, ayaa sheegtay in ay la kulantay cilladan.
Dhanka kale, shirkadda bixisa adeegga intarneetka ee Bariga Afrika ayaa sheegtay in hannaankeeda ay dhibaato soo wajahday.
Waxay sheegeen in ay ku jiraan sidii ay u xallin lahaayeen dhibaatadaasi.
Arrintan ayaa ka dhalatay cilad ku timid mid kamid ah xargaha badda hoostooda mara, kaas oo gobolka ku xira dunida inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay Ben Roberts oo ah khabiir dhanka interneetka ah.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii Interneet xumo laga soo weriyay waddamo ku yaalla Galbeedka iyo Koonfurta Afrika.