Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay taakuleeyaan qoysaska ay saameynta ka soo gaartay daadadka.
Waxaa uu dadweynaha ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen in dowladda garab lagu siiyo u gurmashada dhibbanayaasha.
Sidoo kale waxaa uu muwaadiniinta ka codsaday in ay u hoggaansamaan baaqa dowladda ee ah in ay beeraan geedo badan si loola tacaalo saameynta isbeddelka cimillada.
Madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale saamileyda gaadiidka kula taliyay in ay taxaddar muujiyaan iyadoo maanta la billaabay xilli dugsiyeedka labaad ee sanadkan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa macallimiinta iyo mas’uuliyiinta diimeed ka codsaday in ay ardayda ku abaabiyaan sidii ay mustaqbalka u noqon lahaayeen dad waawayn oo xilkas ah.
Sidoo kale waxaa uu ka codsaday in ay qaranka u duceeyaan.