Dugsiyada dalka oo maanta dib loo furay

0
332

Waxaa maanta dib loo furay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dalka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu dib u furka dugsiyada shaaca ka qaaday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu adeegsanaya talada waaxda saadaasha hawada ee wadanka ee ah in xaaladda cimillada ay noqoneysa mid wanaagsan laga billaabo toddobaadkan.
Madaxweynaha ayaa dhammaan waalidiinta u sheegay in qiimeyn la sameeyay ka dib uu u xaqiijinaya badqabka ardayda sidaasi awgeedna uu maanta dib u billaabanaya xilli-dugsiyeedka labaad.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in dugsiyada dalka la furo 29-kii bishii hore balse tallaabadaasi ayaa dib loo sii dhigay ilaa 6-dii bishan ka hor inta aynan dowladdu jadwalkaasi beddelin saameynta daadadka awgeed.
Dib u dhaca ku yimid furitaanka dugsiyada ayaa waxaa sababay roobabka culus ee da’ay iyo daadadka ka dhashay oo waxyeello gaarsiiyay kaabayaasha tacliinta, iyadoo qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada aysan diyaar u ahayn in maanta la adeegsado.
Dhanka kale, waalidiinta ayaa lagula taliyay in ay taxaddar muujiyaan oo aynan dugsiyada u dirin carruurta balse ay iyaga geeyaan.