DHAGEYSO:Waalidiinta oo lagu boorriyay in ay berri carruurtooda geeyaan dugsiyada

0
396

Madaxa aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ,Aaron Cheruiyot ayaa waalidiinta kula taliyay in ay taxaddar muujiyaan oo aynan berri dugsiyada u dirin carruurta balse ay iyaga geeyaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waalidiinta oo carruurta weheliya ay xaqiijin karta badqabkooda.
Cheruiyot ayaa sidoo kale ku baaqay in la feejignaado marka laga gudbaya meelaha ay biyaha ku jiraan ee waddooyinka.
Arrintan ayuu ka sheegay aagga Kilingot ee Waqooyiga ismaamulka Baringo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in berri dib loo furo dugsiyada wadanka .
Aaron Cheruiyot iyo xildhibaanka Waqooyiga Baringo Joseph Makilap oo waalidiinta baaqan u diraya ayaa yiri.