Kenyaanka oo loo beddelaya dokumeentiyada uga lumay daadadka

0
633

Xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka Prof. Julius Bitok, ayaa sheegay in ay sameeyeen qayb gaar ah oo loogu talagalay in dadweynaha loogu beddelo dokumeentiyada aqoonsiga ee ay kala tageen biyaha fatahaadka.
Qaybtan ayaa laga hirgeliyay xarunta Nyayo House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu Bitok shaaciyay in dadweynaha laga doonaya in ay diiwaangeliyaan dokumeentiyada ka lumay sida shahaadada dhalashada iyo baasaboorrada.
Bitok, ayaa arrintan sheegay xilli uu maanta hoggaaminayay munaasabad geedo lagu abuuraya machadka hilibka ee Kenya Meat Institute ee deegaanka Mavoko oo ka tirsan ismaamulka Machakos .
Waxaa uu xoghayaha sheegay inuu jiro qorsho qaybtan la furay looga hirgelinaya guud ahaan wadanka.
Daadadka ka dhashay roobabka culus ee da’ay ayaa saameeyay ugu yaraan 286,000 qof.
Waxaa guriyahooda ka barakacay ku dhawaad 47,000 oo qoysas ah halka 37 ka mid ah ismaamullada dalka ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.