Madaxweynaha dalka oo ka hadlay wanaajinta ganacsiga shirkadaha tiknolojiyadeed

0
428

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu dhaqangelinaya xeerar iyo siyaasado loogu talagalay in lagu wanaajiyo jawiga ganacsi ee shirkadaha bixiya adeegyada tiknolojiyadeed sida ICT-da.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayuu ku sheegay in laga faa’iidaysto fursadaha ganacsi ee jira si shaqo abuur loogu sameeyo ugu yaraan hal milyan oo dhallinyaro muddo shan sano gudaheeda ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay in mudnaan la siin doono dhaqaalaha casriga ah ee laga soo saaro baraha dhijitaalka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta Tatu City oo ka tirsan deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu uu xariga uga jaray xarunta caalamiga ee wicitaannada ee (CCI) .
Xaruntan ayuu sheegay in ay da’yarta u abuurtay 5,000 oo fursado shaqo ah.
Waxaa uu dhallinyarada laga howlgeliyay xaruntaasi ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan fursadda ay heleen.
Madaxweynaha oo da’yarta uga digaya in aynan niyad jabin ayaa sheegay in shaqadii ugu horreysay ee uu mushaar la isku halleyn karo ka soo galay ay ahayd xildhibaannimo.
Ruto ayaa sanadkii 1997-dii noqday xildhibaankii deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Eldoret wuxuuna xilligaasi loollanka uga adkaaday musharraxii uu taageerayay madaxweynihii xilligaasi Daniel Arap Moi , Reuben Chesire.
Waxaa madaxweynaha munaasabaddan ku wehelinayay wasiiradda ganacsiga Rebecca Miano, dhigeeda isgaarsiinta Eliud Owalo, safiirka Maraykanka ku matasha Kenya Ambasadoor Meg Whitman , barasaabka ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi iyo mas’uuliyiin kale.