Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray eedeysane lala xiriirinaya fadeexad dahab oo lagu lunsaday ilaa 13 milyan oo shilin.
Tuhmanaha oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Congo ayaa lagu magacaaba Puati Poba Dally.
Shakhsigan oo 35 sano jir ah ayay ciidamadu qabteen xilli uu doonayay inuu Kenya ka soo galo dhanka xadka Busia.
Sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii uu khiyaanadan kula kacay muwaadin u dhashay Ghana.