Weerar ay Israa’iil u adeegsatay diyaarad aan duuliye lahayn kaasi oo laga fuliyay Koonfurta dalka Lebanon ayaa waxaa ku dhintay labo ruux.
Ilo wareed ka tirsan bahda caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka lala eegtay baabuur.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay hal qof oo kale.
Wakaaladaha wararka ee Falastiin iyo Lebanon ayaa labaduba qoray in weerarka laga gaystay meel u dhow magaalada Bafliyeh.