Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda gargaarka baniaadannimo ee OCHA ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay Israa’iil ku xirtay marinka magaalada Koonfureed ee dalka Falastiin ee Rafah.
Waxay OCHA hoosta ka xarriiqday in tani ay caqabad ku noqotay in gargaar nolol badbaadin ah la geeyo Qaza.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in dowladdiisa aynan Israa’iil siin doonin hub ay u adeegsan karto duullaanka Rafah.
Biden ayaa wareysi uu ku bixiyay ku sheegay in dad rayid ah lagu dilay Qaza iyadoo la adeegsanaya bambooyin iyo siyaabo kale .
Waxaa uu xusay in Israa’iil ay bartilmaameedsanaysa meelaha uu dadku ku badan yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tobanaan kun oo qof oo Falastiiniyiin ah oo horay u soo barakacay ay billaabeen in ay ka qaxaan Rafah.
Israa’iil ayaa duqeymo ka gaysatay aagga bari ee magaaladaasi.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 34,844 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 78,404 kale.