Ra’iisul Wasaarihii hore ee Fiji oo lagu xukumay xabsi hal sano ah

0
259

Frank Bainimarama oo dalka Fiji Ra’iisul Wasaare ka soo noqday muddo 15 sano ah ka hor inta uunan 2022-kii xilkaasi lumin ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inuu awoodiisa adeegsaday oo uu soo afjaray baaritaan la xiriiray musuqmaasuq oo ka dhan ahaa jaamacad caan ah.
Waxaa go’aankan soo saartay maxkamadda magaalada Suva ee caasimadda Fiji waxaana xukunka ku dhawaaqay madaxa waaxda cadaaladda ee dalkaasi garsoore Salesi Temo.