Guddi baarlamaani ah oo maanta dhageysan doono caddeymaha uu isku difaacaya Linturi

0
255

Guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee uu baarlamaanka dalka u xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo eedeymo loo jeediyay wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha Mithika Linturi ayaa maanta wasiirka fursad u siin doono in uu la wadaago waxyaabaha caddeymaha ah ee uu is kaga difaacaya dhaliilaha ka dhanka ah.
Linturi ayaa wajahaya mooshin la doonaya in xilka looga qaado.
Waxaa mooshinkan baarlamaanka u gudbiyay mudanaha deegaan baarlamaneedka Bumula, Jack Wamboka.
Shalay ayay ahayd markii uu xildhibaanka sheegay in Linturi laga doonaya inuu qaato mas’uuliyadda la xiriirta in beeralayda dalka laga iibiyay bacrimin tayadeedu su’aal la geliyay.
Hasa ahaate , wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay inuu hayo caddeymo wax ku ool ah oo aan fadeexaddan lagula xiriirin karin oo uu maanta soo bandhigi doono.
Dhanka kale ,guddigan oo ay hoggaaminaysa wakiilka haweenka ee ismaamulka Marsabit Naomi Waqo ayaa oggolaaday in la dhageysto dhinaca 8 qof oo doonaya in ay ku marqaati furaan wasiirka.
Guddigan ayaa laga sugaya inuu warbixintiisa baarlamaanka u gudbiyo 13-ka bishan Shanaad oo Isniinta ku beegan.