Xisbiga talada wadanka haya ee UDA ayaa sheegay in ay fursad haystaan shakhsiyaadka doonaya in loo doorto xilalka hoggaanka xisbiga ee deegaannada hoose ee shan ka mid ah ismaamullada dalka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee UDA Antony Mwaura ayaa bayaan ku xusay in doorashooyinkan ay ka qabsoomi doonaan dowlad deegaannada kala ah Nairobi, Narok, West Pokot, Homabay iyo Busia .
Waxaa uu qorshuhu yahay in doorashooyinka la qabto 18-ka bishan Shanaad ee May iyadoo musharraxiinta ay haystaan ilaa 15-ka bishan si ay u soo gudbiyaan dokumeentiyadooda.
Xilalka loo tartamaya ayaa kala ah guddoomiyaha , ku xigeenkiisa , xoghayaha, xoghaye ku xigeen , qasnad hayaha iyo xoghayaha abaabulka.