55 qof oo lagu dilay Qaza

0
459

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay lagu dilay 55 qof.
Waxaa hal maalin gudaheeda la dhaawacay 200 oo kale.
Tani ayaa tirada guud ee Falastiiniyiinta la dilay laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ka dhigaysa ugu yaraan 34,844 qof iyadoo la dhaawacay 78,404 kale.