Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa soo dhaweeyay qorsho isdhexgal loogu sameynaya dadka qaxootiga ee ku nool xeryaha Dadaab iyo Kakuma iyo bulshada deegaanka.
Tani ayaa qayb ka ah wajiga labaad ee mashruuca uu maalgelinaya Bangiga Adduunka ee (KUSP).
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshaha loogu magacdaray Shirika Plan uu dardargelin doono isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee qaxootiga iyo dadka marti geliyay.
Sidoo kale waxaa uu xusay in nidaamkan uu qaxootiga ka dhigaya kuwo la sharfo maadaama ay dalalkooda hooyo uga soo qaxeen colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed.