Dowladda oo mamnuucday kalluumeysiga Xeebta

0
254

Dowladda dhexe ayaa mamnuucday in xeebta dalka laga sameeyo howlaha kalluumeysiga iyo dabbaasha.
Tani ayaa loo aaneeyay xaaladda cimillada ee aaggaasi ka jirta.
Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura ayaa sheegay in kastoo ay yaraatay cabsidii hore ee laga qabay saameynta duufaanta xooggan ee Hidaya haddana in ay u badan tahay in roobab culus oo ay dabeylo xooggan weheliyaan ka da’aan ismaamullada Kwale, Mombasa Lamu iyo Kilifi.
Mwaura ayaa intaasi ku daray in waaxda ilaallada xeebaha ee dalka ay hal markab iyo saddex doomood oo sido saraakiil ay u xil saartay in ay roondooyin ka sameeyaan biyaha si ay uga falceliyaan xaaladaha degdegga ah ee soo kordhi karo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ay diyaarisay 6 ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee helikobtarka si ay daadgureynta uga qayb qaataan haddii ay dantu keento.