Dowladda oo sheegtay in dhibaatada cimillada ay gaartay heer aad u daran

0
444

Wasiiradda wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Soipan Tuya ayaa sheegtay in dhibaatada cimillada ee uu wadanku wajahaya ay gaartay heer khatar ah.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qofkii horay u shakisanaa uu hadda rumeysan karo in Kenya ay caqabad kala kulmeysa isbeddel ku yimid cimillada.
Arrintan ayay ka sheegtay Galbeedka ismaamulka Narok oo ay marti sharaf ka ahayd munaasabad ay ku qalin jabinayeen 39 sarkaal oo ay dowladda hoose ee Narok u xil saartay ka shaqeynta ilaalinta bilicda deegaanka.
Ms Tuya ayaa kenyaanka ku boorrisay in ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan ilaalinta deegaanka .
Waxay shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay soo bandhigi doonto qorsho la ballaariyay oo geedo lagu beeri doono maalmaha nagu soo aaddan marka ay roobabka yaraadaan.
Qorshaha dowladda ayaa ah in 10 sano gudahooda la abuuro 15 bilyan oo geedo ah si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimillada.