Kenya oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah argagixisada

0
328

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladdu ay argagixisada ula dagaallamaysa si aan leexleexad lahayn.
Waxaa uu sheegay in ay si gaar ah diiradda u saarayaan in la aqoonsado oo la cirib tiro shakhsiyaadka dhaqaalaha ku taageera howlaha argagixisada.
Kindiki ayaa laga soo xigtay in si firfircooni leh dabagal loogu hayo dadka beer- jilleeca u muujiya kooxahan sidoo kalena u fidiya taageero maaliyadeed iyagoo adeegsanaya siyaabo sharci darro ah.
Arrintan ayuu ka sheegay shirka isku-dhafka ah ee wasiirrada ee looga hor tagaya maalgelinta argagixisada kaasi oo ay ka qayb galeen wasiirka maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u , dhigiisa arrimaha dibadda ahna madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, xeer ilaaliyaha guud Justin B. Muturi, madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Kamau Thugge,taliyaha guud ee ciidamada booliiska Japhet Koome, agaasimaha xarunta qaran ee la dagaallanka argagixisada ee NCTC Dr. Rosalind Nyawira iyo agaasimaha guud ee xarunta warbixinnada maaliyadeed Saitoti Maika.
Sida uu wasiir Kindiki bayaan ku sheegay waxaa kulanka ka soo baxay tallaabooyin la doonayo in lagula tacaalo khatarradan.
Waxaa uu tilmaamay in la burburin doono lacag dhaqidda lagu garab siiyo kooxaha argagixisada ah.