Ciidamada ammaanka ayaa magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit ku qabtay daroogo ah nooca xashiishka oo la geliyay jawaanno la sheegay in ay ku jirto digir.
Jawaannada oo gaaraya afar ayaa la qabtay ka dib xog ay ciidamada dambi baarista ka heleen shacabka.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in dadweynaha ay soo sheegeen in ay ka shakiyeen qof sitay afarta kiish.
Daroogada ayaa lagu qabtay xarunta basaska ee shirkadda Liban waxaana weli la raadinaya tuhmanaha.