EACC oo heshay amar lagu xannibaya hantida mid ka mid ah ehellada Yatani

0
231

Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) u oggolaatay inuu xannibo hanti dhan 62 milyan iyo boqol kun oo shilin.
Tani ayaa qayb ka ah baaritaannada uu wajahaya wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ee dalka horayna u soo noqday barasaabkii ismaamulka Marsabit ,Ukur Yatani.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lacagtan laga xannibay Ibrae Doko Yatani oo ka mid ah ehellada wasiirkii hore ee maaliyadda.
Amarkan oo ay bixisay garsoore Esther Maina ayaa shaqeyn doono muddo 6 bilood ah.
Ukur Yatani , barasaabka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali , xubno ka tirsan qoysaskooda iyo qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulkaasi ayaa maraya baaritaano ku aaddan in ay lunsadeen lacago dadweyne , ku tagriifalka awoodooda , qaladaad dhanka bixinta qandaraasyada ah oo ay ka macaasheen iyo hanti aynan caddeyn sida ay ku tabcadeen.