Dowladda dhexe ayaa soo bandhigtay guddi isku dhaf ah oo qiimeyn ku sameyn doono tacliinta dhanka caafimaadka iyo tababarrada la xiriira ee laga bixiya jaamacadaha dowliga iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee wadanka.
Waxaa guddigan si wadajir ah shaaca uga qaaday wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha iyo dhigeeda waxbarashada Ezekiel Machogu.
Nakhumicha ayaa hoosta ka xarriiqday in guddigan uu door muhiim ah ka qaadan doono in dejinta siyaasadaha qaran iyo howlaha ku saabsan tababarrada caafimaadka ay noqdaan kuwo ku saleysan xog-ogaalnimo.
Waxay sheegtay in guddigan uu horseedi doono in xal waara loo helo caqabadaha soo jireenka ah ee dhanka shaqada iyo daryeelka shaqaalaha ee waaxda caafimaadka sida shaqo joojinta dhakhaatiirta ee weli taagan.
Waxay intaasi ku dartay in guddigan uu haysto muddo labo bilood ah oo uu ku soo gabagabeynaya howlaha loo igmaday ka dibna uu warbixintiisa ku soo gudbinaya.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa dhankiisa sheegay in xubnaha guddigan ay si gaar ah u qiimeyn doonaan tayada dugsiyada caafimaadka iyo isbitaallada tababarka bixiya.