Roobabka oo la filaya in ay yaraadaan dabayaaqada toddobaadkan

0
321

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in dabayaaqada isbuucan ay yaraadaan roobabka wadanka ka da’aya marka lagu saleeyo baaxadooda.
Hasa ahaate waxay waaxdu soo saartay digniin ah in roobab culus ay ka di’i karaan qaybo ka mid ah Kenya.
Saadaasha u dhexeysa 7-da ilaa 13-ka bishan Shanaad ee May waxaa ku cad in roobabka culus ay ka di’i karaan buuralayda bari iyo galbeedka gobolka Rift Valley iyo dhanka harada Victoria.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu ayaa sidoo kale xusay in la filaya roobab iyo biriq galinka dambe iyo habeenkii ka jiri kara meelaha qaar sida gobolka Waqooyi Bari.
Waaxda waxaa digniinteeda qayb ka ah in ay daadad saameyn karaan meelaha joog ahaan hooseeya ee dhulka iyo qaybaha magaalooyinka ee uunan wanaagsanayn nidaamka maareynta bullaacadaha.