Xamaas oo sheegtay in ay aqbashay heshiis loo bandhigay

0
234

Madaxa ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh ayaa sheegay in ay oggolaadeen heshiis loo bandhigay oo ku saabsanaa in xabbad joojin ay ka dhaqangasho Qaza.
Waxaa uu sheegay in ay warqadda oggolaanshaha ee heshiiska ay la wadaageen dhexdhexaadiyaasha dalalka Masar iyo Qatar.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 34,735 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 78,108 kale.