Guddiga xisaabaadka ee aqalka sare oo doonaya in la baaro NMS

0
166

Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha xisaabaadka ee PAC ayaa doonaya in baaritaano lagu sameeyo maamulkii hore ee loo xil saaray bixinta qaar ka mid ah adeegyada ismaamulka Nairobi ee NMS.
Xubnaha guddigan ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la ogaado sababta NMS aynan u bixin deymo dhan 16 bilyan oo shilin oo lagu yeeshay iyo in aynan dhameystirin mashaariic .
Waxaa deymaha shaaca ka qaaday barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo guddigan ka soo hormuuqday.
Sakaja ayaa su’aallo laga waydiinayay hanti dhowrka sanad maaliyadeedkii 2021/2022.
Waxaa uu sheegay in kastoo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay maamulka NMS ku wareejisay ugu yaraan 27 bilyan oo shilin haddana in howlwadeennadii uu hoggaaminayay Major General Maxamad Cabdalla Badi ay ka tageen deymo weli dabagal lagu haya.
Xubnaha guddiga xisaabaadka ee aqalka senate-ka ee dalka ayaa soo jeediyay in loo yeero hoggaankii NMS si uu uga jawaabo su’aallaha ku xusan warbixinta hanti dhowraha qaranka.
Barasaabka ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja ayaa ku adkeysanaya in aynan bixin doonin deymo lagu leeyahay oo gaaraya 10 bilyan oo shilin.
Waxaa uu arrintan u aaneeyay in sheegashada lacagahan ay muddo soo jirtay oo su’aal la geliyay sidaasi awgeedna bixinta deymahan ay hakad gelinaysa adeegyada muhiimka ah ee ismaamulka.