Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer oo xilkii laga qaaday

0
665

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii dowlad deegaankaasi Maxamad Cabdi Maxamuud.
37 ka mid ah wakiillada ayaa u codeeyay in xilka laga qaado guddoomiyha halka 10 ay ka soo horjeesteen.
Xilka qaadista barasaabka ayay u sababeeyeen dhaqaale xumi, inuu ku takrifalay xafiiska, anshax xumo aad u weyn iyo ku xadgudubka dastuurka.
Gudddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Wajeer Ibraahim Yaaquub ayaa la filayaa inay xilka qaadista guddoomiyaha uu u gudbiyo afhayeenka aqalka sare Kenneth Lusaka.