Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr baabuur ah ay saameyn ka soo gaartay webiga River Nyando ee ismaamulka Kisumu oo karkaarrada jabsaday.
Tani ayaa sidoo kale saameysay guriyo, suuq muhiim ah oo ku yaalla Ahero, dugsi iyo saldhig booliis oo ay biyaha buuxdhaafeen.
Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa gaadiidleyda ku boorriyay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan marka ay isticmaalayaan waddada xiriirisa Ahero iyo Kisumu.
Dadweynaha ayaa lagula taliyay in ay dulqaad muujiyaan oo ay u hoggaansamaan amarrada iyo tilmaamaha booliiska iyo saraakiisha taraafikada ee ku sugan aaggaasi.
Maamulka ayaa sheegay in uu mudnaanta koowaad siinaya badqabka dadka adeegsanaya waddooyinka maadaama biyaha soo fatahay ee webiga ay ka sare mareen buundada River Nyando Bridge.