Dowladda oo ballan qaaday isku-dubaridka gurmadka ka dhanka ah daadadka

0
410

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay ka go’an tahay in la isku dubarido gurmadka loo fidinaya dadka ay saameynta ka soo gaartay roobabka iyo fatahaadaha ka dhashay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay ugu yaraan 219 qof ku dhinteen roobabka soo billowday bishii saddexaad ee sanadkan.
Waxaa barakacay in ka badan 200,000 oo qof oo ka tirsan ugu yaraan 30,000 oo qoysas ah.
Dr.Omollo ayaa sheegay in saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka ee (NGAOs) ay kaashan doonaan waxgaradka , haweenka, dhallinyarada iyo mas’uuliyiinta Nyumba Kumi.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu tagay aagga Kiamaiko ee deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi.
Tallaabooyinka ay dowladdu adeegsanaysa ayuu ku sheegay bixinta lacago caddaan ah iyo hooy barakacayaasha la dejiyo.
Guud ahaan wadanka waxaa laga sameeyay xerooyin gaaraya 138 oo ay si ku meel gaar ah ugu noolaan doonaan dadka deggan meelaha u nugul daadadka ee u dhow webiyada ama biyo xireennada.