Magacyada shakhsiyaad doonaya in ay ka howlgalaan maxkamadda sare oo loo gudbiyay madaxweynaha

0
271

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ee (JSC) ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto u gudbiyay liis ka kooban magacyada 20 qof oo doonaya in ay ka mid noqdaan xaakinnada maxkamadda sare ee dalka.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah agaasime ku xigeenka waaxda dacwad oogidda dalka Alexander Muteti, garsoore sare Francis Andayi oo ka howlgalo Nairobi iyo kuwo kale.
Madaxa waaxda cadaaladda dalka ahna guddoomiyaha guddiga JSC garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in 20-ka qof la soo xushay ka dib turxaan bixin la sameeyay intii u dhexeysay 3-dii bishii Afaraad ilaa 3-dii bishan Shanaad ee May.
Waxay hoosta ka xarriiqday in turxaan bixinta lagu tixgeliyay aqoonta iyo waaya aragnimada dhanka sharciga ee qofka , hufnaantiisa , isku dheelli tirka jinsiyadeed iyo matalaadda goboleed ee wadanka.
JSC ayaa laga soo xigtay in markii hore ay codsiyo soo dirsadeen ilaa 305 qof balse 100 ka mid ah laga soo saaray kuwaasi oo la sii kala xushay.
20-kii bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweyne William Ruto ballan qaaday inuu xoojin doono waxqabadka waaxda garsoorka ee dalka oo ay ka mid tahay in xaakinno dheeraad ah laga howlgeliyo maxkamadda sare iyo maxkamadda racfaanka ee wadanka.