Shacabka oo lagu boorriyay in ay ka fogaadaan biyo xireenka Thwake dam

0
295

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Makueni ayaa dadweynaha u diray digniin ah in aynan ku dhawaan biyo xireenka Thwake Dam.
Tani ayaa loo aaneeyay in ay sii kordhayaan heerka biyaha ee biyo xireenkaasi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo soo xiganaysa warbixin ku aaddan xaaladda halkaasi ka taagan ayaa sheegtay in biyaha daadadka ay saameeyeen buundada Makueni.
Meelaha aaggaasi u dhow ayaa lagu tilmaamay kuwo khatar ku ah nolosha shacabka.