Kenya Red Cross oo soo badbaadisay qoys ku xayirmay Imara Daima

0
294

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society ayaa sheegtay in abaare 8:30 fiidnimo ee xalay ay soo samatabixisay qoys ku xannibmay gurigooda ka dib markii ay gudaha u galeen biyaha daadka.
Hay’adda ayaa bayaan ku sheegtay in lagala soo xiriiray nambarka lagu soo gudbiyo dhacdooyinka degdegga ah ee 1199.
Saraakiisha Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa ku guulaystay in ay halkaasi ka soo daadgureeyaan xubnaha qoyska .
Hay’adda ayaa dhanka kale sheegtay in shalay ay qayb ka ahayd barnaamij cuntooyin iyo waxyaabo kale oo muhiim ah loogu qaybinayay qoysaska ay fatahaadaha saameeyeen ee ismaamulka Garissa waxaana howshaasi hor kacayay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.