Taliyaha guud ee ciidamada militariga dalka oo la dhaariyay

0
316

Taliyaha guud ee ciidamada militariga dalka oo la dhaariyay
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka guddoomiyay munaasabad lagu dhaarinayay taliyaha guud ee ciidamada militariga wadanka ee KDF-ta General Charles Muriu Kahariri iyo mas’uuliyiinta kale ee uu shalay magacaabay.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Charles Kahariri oo horay ahaa ku xigeenkii taliyaha guud ee ciidamada KDF-ta ayaa beddelay General Francis Omondi Ogolla oo ay isaga iyo 9 sarkaal oo kale 18-kii bishii Afaraad ee sanadkan ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Mas’uuliyiinta kale ee uu madaxweyne William Ruto dallacsiiyay ee maanta la dhaariyay ayaa kala ah John Mugaravai Ornenda ,taliye ku xigeenka guud ee militariga wadanka, taliyaha qaybta militariga ee ilaallada hawada ee Kenya Air Force Fatuma Gaiti Axmed iyo Taliyaha ciidamada militariga ee ilaaliya badaha ee Kenya Navy Paul Owuor Otieno.
Waxay dhammaantood ku dhaarteen in ay waajibaadka loo igmaday uga soo bixi doonaan si waafaqsan xeerarka dastuuriga iyo nidaamyada kale ee wadanka ka jira, in ay ilaalin doonaan gobonnimada , hufnaanta iyo sharafta kenyaanka , in ay shacabka iyo qaranka ugu adeegi doonaan si aan lahayn cabsi, eexasho , kal-gaceyl, niyad xumo, saameyn siyaasadeed, diimeed ama mid kale.
Sidoo kale waxay ku dhaarteen in ay mar kasta inta karaankooda ah difaaci doonaan dastuurka , shacabka iyo qaranka oo ay u hoggaansami doonaan dhammaan xeerarka , amarrada iyo tilmaamaha waaxda difaaca ee KDF-ta.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo hoggaamiyaasha militariga u ballan qaaday inuu taageeri doono ayaa ku boorriyay in ay waajibaadkooda u gutaan si ay daacadnimo ku dheehan tahay maadaama loo dhiibay mas’uuliyad culus.
Waxaa uu xusuusiyay in looga fadhiyo u adeegidda danaha guud ee shacabka iyo qaranka sidaasi awgeedna lala xisaabtamaya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ciidamada difaaca wadanka ee KDF ku bogaadiyay howlkarnimadooda , daacadnimadooda iyo sida ay uga go’an tahay shaqada ay dalka u hayaan.
Waxaa uu hoggaanka militariga ugu baaqay wada shaqeyn iyo ilaalinta hal-beegga dhaarta ay mareen.
Ruto ayaa mas’uuliyiinta militariga u sheegay in aan loo magacaabin u adeegidda qowmiyadahooda sidaasi awgeedna laga doonaya in aynan qabiil tixgelin.
Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday in ay noqdaan kuwo go’aan adag balse si cadaalad ah ula macaamila saraakiisha iyaga ka amar qaata.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay ciidamada difaaca ee KDF-ta abaabulaysa si ay u hoggaamiyaan waaxyo kala duwan oo ku dadaalaya yareynta saameynta daadadka.
Waxaa munaasabadda maanta lagu dhaarinayay hoggaamiyaasha militariga ee dalka goob joog u ahaa madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua , wasiirka gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.