DHAGEYSO:Wasiirka difaaca oo shacabka Garissa ugu baaqay in loo gargaaro dhibbanayaasha daadadka

0
353

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa shacabka ku nool Garissa ku boorriyay in ay u gargaaraan dadka ay saameynta ka soo gaartay daadadka.
Waxaa uu xusay in iyadoo dowladda laga sugaya inay gurmad fidiso in haddana bulshada looga baahan yahay in ay is caawiso.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in roobabka culus ee da’aya iyo fatahaadaha ka dhashay ay tahay arrin caalami ah oo aan keliya Kenya ku koobnayn.