Guddoomiyaha baarlamaanka dalka oo guddi uu saaray eedeymaha ka dhanka ah wasiir Linturi

0
474

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka , Moses Wetangula ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 149 xildhibaan ay u codeeyeen in la soo dhiso guddi ka kooban 11 xubnood oo baaraya eedeymaha ka dhanka ah wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha, Mithika Linturi.
Waxaa arrinkan qaab codeyn ah uga soo horjeestay 36 xildhibaanno ah iyadoo uu Wetangula amray in la soo magacaabo xubnaha guddiga baaritaanka sameynaya.
Arrintan ayaa timid ka dib kalfadhigii maanta ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka dalka oo ka dooday mooshin la doonaya in xilka looga qaado wasiir Linturi.
Guddiga la soo magacaabaya ayaa haysta 10 cisho uu baaritaannada ku soo gabagabeynaya ka hor inta uusan baarlamaanka u gudbin warbixintiisa.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula ayaa qoraal ku sheegay in mooshinka loo gudbiyay laga dheehan karo in wasiirka beeraha ee dalka uu ku tagriifalay awoodiisa .
Wasiirka oo horay u beeniyay in bacrimintu a faalis tahay ayaa ololaha xilka looga qaadaya ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo aan marnaba walaac ku hayn.
Waxaa uu ku celceliyay in aan iskudaygan looga mashquulin doonin gudashada waajibaadka uu u igmaday madaxweynaha dalka William Ruto.
Mithika Linturi, wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka ayaa ballan qaaday in ka hor dhammaadka isbuucan la ogaan doono xaqiiqada la xiriirta hadal haynta ka dhalatay bacriminta.